U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo DDS oo Ka Shiraya Dilal Ka Dhacay Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan  iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan, oo dhwaan deegaan hoos yimaado ay ka dhaceen dilal la xiriiro aanooyin Qabiil.

Guddoomiya iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay deegaanka kulan kula qaaaan wafdi kale oo ka socday dowlad deegaanka Soomaalida, oo maalmahaan ku sugnaa deegaanka Abaaley, oo hoos yimaado deegaanka Feerfeer .

Deegaanka Abaaley ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dagaal beeleed, kaas oo ay ku geeriyoodeen lix ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiri dad ah, waxaana la filayaa in labada dhinac ay ka gaaran xal waara ka gaaran dilalka dhacay.

Goobjoog News