U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Iyo Hay’ado Samafal Oo Ka Shiray Wax Ka Qabashada Biyo La’aanta Ka Jirta Baladweyne

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Hiiraan, kan magaalada Baladweyne iyo Hay’ado samafal ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Baladweyne waxay kaga hadleen sidii wax looga qaban lahaa biyo La’aanta ka jirta magaaladaasi.

Kulankaan waxaa shir gudoominayey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, waxaana lagu falanqeeyay sidii degdeg wax looga qaban lahaa Biyo la’aanta jirta.

Afhayeenka maamulka Gobolka Xiiraan Xasan Kaafi oo saxaafadda la hadlay kulankaasi kadib ayaa sheegay in ulajeedka kulankaasi uu ahaa sidii wax badan looga qaban lahaa biyo la’aanta Baladweyne iyo sidii dadka ay ku heli lahaayeen biyo Nadiif ah.

“Kulankaan waxaan diiradda ku saareynay Biyo la’aanta xilligaan ka jira magaalada Baladweyne, Wabigii oo biyo yareeyay, biyo dhaamin badan oo magaalada ka jirin, marka waxaan eegnay sidii aan wax ugu qaban lahayn dadka Biyo la’aanta ah, baaqna waan u dirnay hay’adaha kale iyo dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in laga baqayo cudurro ka dhasha biyo la’aanta magaalada ka jirta maadaama Wabigii dadku biyaha ka cabi jireen uu xilligaan muuqaal ahaan isbedalay biyo yarida jirta awgeed.

Biyo la’aan aad u baahsan ayaa xilligaan waxay ka jirtaa magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo hadii ay xaaladdaan sii socoto ay halis geli karto nolosha dad badan oo shacab ah.

Goobjoog News