U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Baaq Nabadeed u Diray Dhinacyada Ku Dagaallamaya B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dagaallo maalintii Labaad ka soconaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaasi oo u dhaxeeya beello wada deggan magaaladaasi.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulkaasi Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xilligaan magaalada Baladweyne oo fatahaad ay ka jirto ay hadane dagaallo ka dhacaan.

Waxa uu guddoomiye ku xigeenka tacsi ka diray shacabkii ku dhintay dagaalladaasi, waxaana caafimaad u rajeeyay dadka kale ee dhaawacyada soo gaaray.

“Waxaan ka xunnahay dagaalladan, anniga oo ka faa’ideysanaya fursadan waxaan leeyahay waxgaradka Hiiraan aan ku dhaqaaqno oo aan kala dhexgalno dhinacyadan dagaallamaya, waxaan Maleeshiyaadka dagaallamaya u sheegaynaa in khasaaraha halkaasi ka dhashay iyaga lagula xisaabtami doono” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Sheekh Xuseen ayaa dhinaca kale sheegay in dagaalka ka socda xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne uu daba socdo dagaallo horay uga dhacay halkaasi oo la xiriira aano qabiil.

Ugu dambeyn ayuu Gudoomiye ku xieegnka ku baaqay in ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka gobolka Hiiraan ay soo qabtaan qabqalayaasha dagaalkan hurinaya islamarkaana maxkamad la saaro waa sida uu hadalka u dhigaye.

Beello wada deggan xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne ayaa shalay dib halkaasi uga billaabay dagaal, waxaana dagaalladan ay imaanayaan xilli xaafadan ay ka mid tahay xaafadaha uu ku fatahay Wabiga Shabelle.

Goobjoog News