U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Farriin u Direy Beello Ku Dagaallamey Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa fariin u direy beello dhowaan ku dagaallamey duleedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii maalintii shalay ahayd la kala qaadey maleeshiyo beeleedkii dagaallamey.

Guddoomiyaha gobolkaasi Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa uga digey beelahan dagaallamay iney heshiiska burburiyaan, wuxuuna hoosta ka xarriiqey in tallaab adag laga qaadi doono cid walbo oo heshiiskaasi burburisa.

“Waxaan leenahay mar kale yaanu dagaal dhicin, yaan la burburin heshiiska hadda la gaarey, ciddii buburisa waxaan u sheegeynaa in tallaab adag aan ka qaadi doonno, maxaa loo dagaallamayaa hadda, ceel meesha kuma yaallo, dhul la degana ma ahan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney jiraan dad iyagu huriya colaadaha kusoo noqnoqday gobolka Hiiraan, kuwaasina ay ka war hayaan, islamarkaana haddii aaney waantoobin ay tallaab adag ka qaadi doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dagaal beeleed sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa todobaadkii lasoo dhaafey ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne, dagaalladaasina waxay noqdeen kuwo soo noqnoqday.

Goobjoog News