U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Heshiisiinaya Beello Ku Dagaallamay Deegaanno Ku Dhow Maxaas

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa wada dedaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisad ka dhaxeysa beello wada dega deegaanno ku dhow degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Degmada Maxaas waxaa ku sugan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo waxgarad aad u badan.

Guddoomiye Dabageed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ulajeedka ay degmada Maxaas u joogaan tahay ka shaqeynta nabadda dadka walaalaha ah ee deriska ah.

Waxa uu tilmaamay in maanta ay ballansan yihiin waxgaradka dhanka Galmudug, islamarkaana laga wadahadli doono waxa dhacay.

“Wiilashu iney dhintaan faa’ido ma ahan, waxaan u joognaa inaan nabadeyno dadkan walaalaha ah ee is gaaray” ayuu yiri guddoomiyaha.

Beello isku haya arrimo dhul ayaa dhowaan ku dagaallamay deegaanka Dudun Cad oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkasi ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoog News