U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay deegaanada ay dhowaan dowladdu gaartay

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo ammaanka suga ay gayn doonaan deegaanada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka saareen xarakada Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan ee dhinaca ammaanka Maxamed Ibraahin ayaa sheegay in maamulka gobolka sida ugu dhaqsiyaha badan u qaadi doono tallaabadaasi.

Mar uu ka hadlayay qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda oo uu ku geeriyooday nabadoon laga yaqaanay gobolkaasi waxa uu sheegay in ciidamada dowladdu baadi goob ay ku hayaan shaqsiyaadkii ka dambeyay.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Ibraahin: