U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay maamul loo sameynayo Sh/dhexe iyo Hiiraan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay wararka sheegaya in maamul qura loo sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay aad u daneynayaan dhismaha maamulka lagu mideynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe in la is raaciyo.

Waxa uu tilmaamay in madaxwaynaha iyo odayaal dhaqameedyo ay ka wada hadleen arintaasi isla markaana la isku af gartay in la mideeyo gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa tilmaamay in imika aysan jirin go’aan rasmi ah oo ku saabsan mideynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe balse ay rajeynayaan in ay sidaasi u dhacdo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kol hore sheegtay in ay dalka ka hir gelineyso maamul goboleedyo waafaqsan dastuurka.

Hoos ka dhageyso codka Sheekh Xuseen Cismaan Cali: