U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ka Mamnuucay Magaalada Baladweyn In Lagu Dhex Wato Hub Sharci Darro Ah

Sheeko:Dalka

Shir ay yeesheen Guddiga Amniga gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kaga hadleen arrimo la xiriira dhanka ammaanka qodobada laga soo saarayna waxaa ka mida in aan la oggolaan doonin in magaalada dhexdeeda hub sharci darro ah lagu dhex wato.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan  oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in la sameyn doono howlgallo joogta ah kuwaas oo amniga wax looga qaban doono waxa uuna yiri:

“Howgallo ayaa bilowday oo habeen iyo maalin socon doona, waxaan leennahay dadka hubka sita, hubkiina guryaha dhigta, hubkii aan ka helno waddo isaga oo socda ama meel aan munaasib aheyn lagu hayo tallaabo ayaan ka qaadeynaa “.

Shirkan ay yeesheen guddiga amniga gobolka Hiiraan waxa uu ku soo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay howlgallo ay ka sameynayeen ciidamada amniga xaafadaha magaalada Beledweyn .

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada