U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ku Baaqay Joojinta Dagaalka Ka Socda Duleedka B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaallamay deegaanka Yarmook oo qiyaastii 25-km u jirta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan inay joojiyaan dagaalladaasi.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin dagaalladaasi.

“Waxaan ugu baaqayaa beelahan dagaallamaya inay nabadda ku dadaalaan oo la qabto fitnada dadka wada, wiil dhinta iyo dhibaato gaarta dadkii masaakiinta ah, barakac iyo dhaawac waxaan ahayn oo laga faa’iday ma jiraan” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guuddoomiye Dabageed ayaa ugu baaqay dhammaan odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan inay kaalin xooggan ka qaataan dagaalladan ka socda gobolka Hiiraan, iyaguna ka maamul ahaan ay gacan ka geysan doonaan daminta xiisadan.

Beelahan ayaa la sheegayaa inay ku dagaallameen dhul ay biyo ku jiraan, waxaana dagaalladan ay sababeen khasaare isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Goobjoog News