U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Muddo 48 Saac Ah u Qabtay Maleeshiyaadka Hubeysan Inay Uga Baxaan Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo looga hadlayey amniga guud ee gobolkaasi iyo sida wada shaqeyn u dhexmari lahayd shacabka iyo ciidanka amniga.

Kulanka amniga looga hadlayey waxaa shir gudoomiyey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, waxaana madasha shirka uu ka dhacay ku sugnaa Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka, kuwa AMISOM ee Jabuuti iyo Itoobiya iyo Odayaal dhaqameed.

Ugu horeen Guddomiye Dabageed oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ammar waxa uu ku bixiyey in muddo 48 saac ah in maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan magaalada Baladweyne ay ugu soo biiraan ciidanka dowladda ama ay ku tagaan meello loogu talagalay in maleeshiyaadka la geeyo.

“Labo mid ayeey noqoneysaa in maleeshiyaadka hubeysan lagu soo wareejiyo dowladda annagane waan idin ka aqbaleynaa inaan idiin hayno, inaan bixinno xuquuqdooda, kii Booliis, Nabad sugid, Milatari ama Asluub rabana waa lagu daraa, ama in la geeyo maleeshiyaadka meelihii loo cayimay, waxaadna haysataan 48 saacadood oo kaliya in Labadaasi mid ku fulisaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee gobollada dhexe ee Soomaaliya Korneel Cabdiraxmaan Cabdow Cabdi iyo Taliyaha AMISOM ee Jabuuti Korneel Xasan Jaamac ayaa sheegay iney taageersan yihiin ammarka guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana dhankooda ay ka dalbadeen in laga wada shaqeeyo amniga.

Waxay si wadajir ah u sheegeen in mudadaasi loo qabtay looga baahan yahay maleeshiyaadka in magaalada looga saaro wixii ka dambeeya mudada loo qabtayna aan lasii aqbali doonin sii joogistooda.

Goobjoog News