U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Shaqo Abuur u Sameynaya Dhallinyarada

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney wadaan qorsheyaal ay shaqooyin ugu abuurayaan dhallinyarada ku nool gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda ee Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in maamulkooda uu wado dedaallo badan oo dhallinyaradan shaqooyin loogu sameynayo.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye Xasan iney la socdaan xaaladda dhallinyarada iyo shaqo la’aantooda, sidaasi darteedna lama huraan ay tahay in dhallinyarada shaqooyin loo sameeyo.

“Annaga ka maamul ahaan waxaan wadnaa dedaallo aan shaqooyin ugu abuureyno dhallinyarada, si dalka iyo dadkaba ay wax u taraan, waana la soconnaa baahiyaha jira” ayuu yiri guddoomiye Xasan.

Gobolka Hiiraan waxaa ku nool dhallinyaro aad u badan kuwaasi oo xilligan ay haysato shaqo la’aan baahsan, waxaana ay u baahan yihiin in loo sameeyo shaqo abuur.

Goobjoog News