U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Sheegey in ay Dhisayaan Gudi Dabogal ku Sameeya Samofalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GargaarMaamulka gobolka Hiiraan ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in la dhisayo gudi dabogal ku sameeya hawlaha samofalka gobolkaasi xili ay jiraan cabashooyin badan oo ka imanaya barokacayaasha oo sheegey in aanan gargaar lasoo gaarsiinin.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Ismaaciil oo maanta kormeerey xero ay ku jiraan illaa 400 qoys oo kasoo barokacay degmooyinka Buulo Bude iyo Jalalaqsi iyo deegaanka Buq Koosaar ayaa sheegey in cadaalad daro weyn ay tahay in xaafadaha Baladweyne qaarkood gargaar laga qeybiyo, kuwa kalana aanan laga qeybinin.

Mas’uulkani oo si adag u hadlay ayaa sheegey in tani ay keeni karto amni daro, islamarkaasina aanan marnaba loo dulqaadan doonin. Wuxuu balanqaaday in ay samaynayaan gudi dabogal ku sameeya hawlaha gargaarka oo dhan si loo xaqiijiyo in dadka wixii loosoo dhiibey isku si loo wada gaarsiiyo.

Goobjoog oo la hadashay qaar ka mid ah dadka barokacayaasha ayaa waxa ay dadkaasi sheegeen in muddo sanad ah ay halkaasi degenyihiin, aysana jirin wax illaa hadda lasoo gaarsiiyey.

Dhageyso

 

Goobjoog News