U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Mudug ee Gal-Mudug oo u Digey Dhinacyada Ku Dagaalamaya Xarardheere

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Mudug Aweys Cali Saciid ayaa sheegay in dhinacyada dagaalamaya looga baahan yahay dhawrista dadka Biri ma gaydada ah ee halkaasi ku nool.

Labada dhinac ayuu sheegay Gudoomiyaha in ay ku war galiyeen joojinta dagaalada dhiiga ku daadadanaya.

“Wixii aan qaban karnay waanu qabanay, ciidan maanan kala dhexdhigin, laakiin waan la hadalnay dhinacyada intii hadalkeena maqleysey, dadka kale ee deegaanka jooga ee arrinkani aan isku midna ka nahayna waan kala hadalnay in ay qeybtooda ka qaataan, waana lagu maqanyahay, waxaanse ka digaayaa in dadka masaakiinta ee xoolalayda ah, beeralayda ah kuwa dagaalada dhex dhigey waa kuwa dano gaar ah leh, hadalkeenana waa gaaray dadkaasi” ayuu yiri guddoome Aweys.

Wuxuu sheegey in xabadii ay joojsaday, balse aysan iyagu dadaalka joojineynin inkasta oo dhulka lagu dagaalamay uu yahay mid miyi ah oo aad u fog, adagtahayna gaaristiisa.

“Dadka waxay leeyihiin odayaal dhaqameed ay wax ka maqlaan, in iyaga laga soo bilaabo weeye, taasna waan samaynay, waxaanan ku niri oday kasta waa in uu reerkiisa xakameeyaa inta laga soo gaarayo, labada dhinacba waan la hadalnay” ayuu kusoo gabogabeeyey guddoomiyaha oo rajo wanaagsan ka muujiyey in nabad waarta lagu soo dabaali doono beelaha dagaalamay.

Dhageyso

 

Goobjoog News