U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Mudug Ee Galmudug Oo Sheegay In La Dhameynayo Xiisad Ka Jirta Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka gobaka Mudug ee Galmudug ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Gaalkayo oo maalmahan ay ka taagnayd xiisad u dhaxaysa maleeshiyooyin ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo ammaanka gobalka Mudug Cabdi Sheekh Xuseen oo  la hadlay Goobjoog News ayaa beeniyay eedeymo uga imaanayay dhanka Puntland oo dhaliyay xiisadda magaalada dhankeeda galbeed ka taagan taas oo ah in Galmudug ay dhisanayso dhul ay Puntland leedahay.

“Suurtagal ma ahan dad ama maamul meel uu ka taliyo in mid kale uu yiraahdo anaa iska leh ama uu sheegto waa wax laga qurux badan yahay, annagu dhul Puntland leedahay ma dhiseyno mana dhisi doonno hase yeeshee dhulka aan dhiseyno oo amniga iyo arrimaha bulshada aan u dhiseyno waa dhul ay leedahay Galmudug horayna loo ogaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka gobalka Mudug.

Waxa uu sheegay guddoomiye xigeenka gobalka Mudug ee Galmudug in ay dadaal ku bixinayeen maalmahan sidii loo kala qaadi lahaa maleeshiyo beeleedka oo lagu guuleystay, islamarkaana la isugu imaanayo shir si loo dhammeeyo khilaafka.

“Waxaan beeninayaa in magaalada Gaalkayo laga barakacayo, xaaladdu waa deggan tahay, khilaafka jira ee xiisaddu ka dhalatayna waa la dhammeynayaa” ayuu yiri guddoomiye xigeenka gobalka Mudug.

Ugu dambeyn, guddoomiye xigeenka gobalka Mudug ee Galmudug Cabdi Xuseen ayaa ku baaqay in la ilaaliyo nabadgalyada Gaalkacyo, oo laga fogaado hadallada xanafta leh iyo waxyaabaha kale ee colaadda abuuri karaya.

Goobjoog News