U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Mudug Ee Galmudug: Puntland Ayaa Diiddan Nabad Ka Dhalata Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ka hadlay dagaal beeleed dhowaan ka dhacay deegaanno ka mid ah gobolkaasi, isaga oo sheegay in dad gaar ah ay hurinayaan colaaddaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Mudug Cabdi Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhanka Puntland aanay rabin nabad ka dhalata Puntland.

Waxa uu tilmaamay in iyadoo wada hadal nabadeed lagu jiro ay ciidan Puntland ah weerar ku qaadeen dad reer Miyi islamarkaana halkaasi dad badan lagu dilay.

“Waxaan cadeenayaa in Puntland aanay diyaar u ahayn nabad ka dhalata gobolka Mudug, waxay kala xireen Soomaaliyeed oo isku meel jooga, waxay ciidankooda soo weerareen shacab xoolo dhaqato ah oo lagu soo weeraray gaadiid dagaal, nabadda ayeey diidan yihiin in la helo, haddii madaxdooda diidan yihiin nabadda hadda xal maba la arkayo” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka Puntland kama aanu hadal eedeyntan kaga timid maamulka gobolka Mudug ee Galmudug.

Bariga gobolka Mudug waxaa dhowaan ka dhacay dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug.

Goobjoog News