U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Nugaal Ee Puntland Oo Digniin u Diray Somaliland

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolkaa Nugaal ee Puntland ayaa digniin u diray maamulka Somaliland oo ay sheegeen in Daandaasi ka wadaan deegaanno maaamulka Puntland ka arrimiyo.

Guddoomiyaha gobolkaasi Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Somaliland ay kusoo xadgudubtay deegaanno uu ka taliyo Puntland, sida deegaanka Xallin ee gobolka Sool.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in aan loo dulqaadan doonin daandaansiga Somaliland ay waddo, wuxuuna ka digay sii socosha arrintaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad deegaanka ah oo horboodaya Somaliland, islamarkaana keenaya dhulka uu ka arrimiyo Puntland.

“Somaliland daandaansi cad ayeey ka waddaa deegaanka Xallin ee dhanka Sool xiga, waxay wataan dad deegaanka ah oo kusoo siraya halkaasi, waxaan leenahay dadka deegaanka ee arrintaasi faraha kula jira ka waantooba, sidoo kale Somaliland waxaynu leenahay ka shaqeeya nabadda oo hadda colaad ha abuurina” ayuu yiri guddoomiyaha.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa gobolka Sool laga soo sheegayey xiisad u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Somaliland.

Goobjoog News