U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Sanaag Ee Puntland Oo Ka Hadlay Dagaaladii Dhawaan Ka Dhacay Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey dagaallo dhawaan ay la galeen ciidamo ka tirsan Somaliland, kaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Guddoomiyaha gobolkaasi Maxamed Saciid oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Somaliland ay kusoo duushay deegaannada Puntland, islamarkaana dagaalka uu sidaasi ku billowday.

Waxa uu tilmaamay in dagaalladii ka dhacay gobolka Sanaag ay khasaare ku gaarsiiyeen dhanka Puntland wuxuuna sheegay in marnaba dagaalladaasi aanay joogsan doonin inta askari Somaliland uu ku sugan yahay Sanaag waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Somaliland ayaa nagu soo duushay, dhul Puntland ah bay keeneen sanaadiiq iyo wax la mid ah, shacabka ayeey doonayaan inay qafaashaan, marnaba kama aqbali donno in shacabkeena la dhibaateeyo, annaga waa nalagu soo duulay dagaalkana waa uu socon doonaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Somaliland ayaa dhankeeda waxay sheegaysaa in deegaanka Booda Cad ee lagu dagaallamay ay iyagu maamulayaan, islamarkaana ciidamo Punland ah ay weerar kusoo qaadeen deegaankaasi.

Goobjooog News