U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Oo Qorsheynaya Isbedal Amni Oo Gobolkaasi Ka Dhaca

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhawaan ay isbedal amni ka sameyn doonaan guud ahaan gobolkaasi, kadib markii falalks amni darro uu gobolkaasi kusoo batay.

Xoghayaha guud ee gobolka Shabellaha Hoose C/risaaq Xasan Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu horumarinayo amniga gobolkaasi si meesha looga saari amni darada.

Waxa uu tilmaamay xoghayaha in maalmahaan dambe ay kormeer ku marayeen deegaannada gobolkaasi wasiiro, xildhibaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, islamarkaana hoggaaminayey xubnahaasi mas’uuliyiinta gobolka Shabellaha Hoose.

“Waxyaabo badan ayaa soo aragnay, waxbadan waan qabannay, haddana waxa uu qorshaha yahay in isbedal amni oo dhan walbo ah la sameeyo, hadda Koonfur Galbeed waa ay ka go’an tahay in la suuliyo waxyaabaha yar yar ee ka dhacaya gobolka” ayuu yiri xoghaye C/risaaq Xasan.

Hadalkaan kasoo yeeray maamulka gobolka Shabellaha Hoose waxa uu imaanayaa xilli faraha ay kasii baxayso amni darada ka jirta guud ahaan degmooyinka gobolkaasi.

Goobjoog News