U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo ku guuleystay hakinta fatahaada wabiga Shabeelle

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku dhawaaqay in ay ku guuleysteen hakinta fatahaad dhowaan uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Afhayeenka maamulkaasi Daa’uud Xaaji Ciiro oo u waramay Goobjoog FM ayaa sheegay in tuulooyin dhowr ah oo ka mid ah gobolka ay ka xireen fatahaada uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Maamulka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayuu tilmaamay in ay ku guuleysteen carro celin lagu sameeyay meelaha wabiga ka fatahay waxaana dhanka kale uu sheegay in ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan in looga hor tago meelo kale oo wabiga ka fataho.

Fatahaada wabiga Shabeelle ayaa sababtay in ay barakacaan dadkii ku noolaa deegaanadii uu ku fatahay.