U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Sh/hoose Oo Baaraya Dadkii Ka Dambeeyay Shacabkii Lagu Dilay Afgooye

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka sh/hoose ayaa sheegay in ay baadigoob ugu jiraan cidda ka dambeysa dilal kala duwan oo xalay dad shacab ah loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Ibraahin Cali Aadan, guddoomiyaha gobalka Shabellaha hoose oo la hadlay Goobjoog News ayaa shegay in xafaha degmadaasi ay ka sameyeen howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka oo ay sameyeen ciidamo ka tirsan doowladda.

Cid walbo oo lagu tuhmayo inay ka dambeyso falalkii xalay ka dhacday degmada Afgooye ayuu sheegay in cadaaladda la horkeeni doono.

Dadka la dilay waxaa ku jira nabadoon magaciisa lagu soo koobay Carrabeey oo si weyn looga yaqaanay degmadaasi Afgooye, waxaana sidoo kale Seddex kamid ah dadka la dilay ay yihiin hal qoys.

Rag hubeysan ayaa dilalkani fuliyay markii Shantaasi qof ay guryahooda ugu galeen welina lama oga sababta rasmiga ah ee arrintaasi ka dambeysa.

Goobjoog News