U bood dhigaalka

Maamulka Guriceel Oo Ka Warbixiyey Go’aan Ay Wada Gaareen Ganacsatada

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey go’aan ay wadagaareen iyaga iyo ganacsatada ku dhaqan degmadaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi C/laahi Barre oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay shir muddo Shan cisho ah u soconayey maamulka iyo ganacsatada.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkaan looga hadlayey ayuu sheegay in la qaato lacagta shilin Soomaaliga ah, sidoo kalena hoos loo soo dhigo qiimaha sarifka oo meel sare gaaray maalmihii ugu dambeeyay.

Guddoomiye Barre ayaa sheegay in ganacsatada degmada Guriceel ay aqbaleen in ay qaataan lacagta shilin Soomaaliga ah, sidoo kalena aan la qaadan lacagta been abuurka ah ee degmadaasi soo gashay.

“Ganacsatada waan wadahadalnay, is faham buuxa ayaan wada gaarnay, waxaan isla garannay in lacag been abuur ah aanay deegaanka soo gelin, lacagta talana la isticmaalo, dadkuna sidoo kale loo naxariisto, sarifka meeshiisa hore la keeno, raashiinka qaaliga laga dhigayna loo soo celiyo meeshiisa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Maalmahan dambe waxaa jirtay sicirbarar ka jiray suuqyada deegaanno kamid ah Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Goobjoog News