U bood dhigaalka

Maamulka Hawada Soomaaliya Oo Lagala Soo Wareegayo Hey’adda ICOA

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa mar kale ku celiyay in Soomaaliya la soo wareegtay maamulka hawada.

Arrintan waxaa uu ka sheegay wareysi uu siiyay Idaacadda afka dowladda ku hadasha isaga oo intaasi ku daray“Maamulka gacanta ku haya hawada Soomaaliya waxaan isla garanay inay nagu soo wareejiyaan, maadaama aan rakibnay qalibka, waxaa jira tababbaro la siinayo shaqaalaha howshan noo qabanayo, sidoo kale waxaa jirta shaqaaale ajaanib ah oo howshan waday, iyaguna waan isla fahanay inaan xamar u soo guuraan oo aan ka faa”iideysano”.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka 1991-dii waxaa maamulka hawada Soomaaliya gacanta ku haysay hay’adda ICOA, in kastoo la filayo in waqti dhow ay dowladda Soomaaliya lasoo wareegto maamulka guud ee hawada dalka.