U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan: “Madaxweyne Xasan Ayaa Amray In Shir Siyaasadeed Aan Baladweyne Lagu Qabanin”

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo ammaanka ee gobolka Hiiraan ee dowladda federaalka ayaa ka hadlay amar laga soo saaray shirarka siyaasadeed ee lagu qabto magaalada Baladweyne.

Axmed Cismaan Cabdulle(Axmed Inji) oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay amarkani oo ka soo baxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu guddoomiye xigeenku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulka gobolka Hiiraan ay amreen in wax shirar ah oo siyaasad ku aadan lagu qabto magaalada Baladweyne.

Guddoomiye xigeenka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay amar ku qabaan inay tallaabo ka qaadaan siyaasiyiinta shirarka siyaasadeed ku qabanaya magaalada Baladweyne.

Wuxuu sheegay in duubabka dhaqanka iyo waxgaradka ay kulamadooda caadiga ah wadan karaan oo iyagu wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin amarkaan, hase yeeshee la diiday shirarka siyaasiyiintu ay qabanayaan.

“Shirarka siyaasadeed ee siyaasiyiintu lagama ogalaan doono magaalada Baladweyne waxaana ciidanka amnigu uu amar u qabaa joojinta shir kasta oo siyaasiyiin ay soo abaabulaan” ayuu yiri guddoomiye xigeenka amniga Hiiraan.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay arrinta la xiriirta ka bixitaanka ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga soo baxeen degaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in AMISOM gaar ahaan saraakiisha Itoobiya ay kala hadleen waxa arrintaas keenay islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan Ceelcali dib loogu soo celin doono gacanta dowladda.

Ciidamada Dowladda iyo Itoobiya ayaa shalay isaga baxay degaankaasi halkaasoo hadda ay maamulayso Xarakada Alshabaab.

Goobjoog News