U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo Beeniyey In Khilaaf Uu Kala Dhaxeeyo Maamulka B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka gobolka Hiiraan ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar maalmahan dambe ay hadalhayeen bulshada gobolkaasi, kuwaasi oo ahaa in khilaaf uu kala dhaxeeyo maamulka magaalada B/weyne.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee dhanka siyaasadda ee maamulka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in warkaasi uu yahay mid ay fidiyeen dad aan horumarka reer Hiiraan rabin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay Xasan Ibraahim in safarkii ay ku  tageen magaalada Jowhar uu ahaa oo kaliya tababar ku saabsanaa maamul wanaagga ee aanu ahayn in lasoo xalinayey khilaaf ka dhaxeeya maamulka gobolka Hiiraan iyo kan B/weyne.

“Wax khilaaf ah oo maamulka heer Gobol iyo Heer gobol u dhaxeeya ma jiraan, khilaaf horay uma jirin hadana ma jiro, waxaan kasoo wadahadalnay oo kaliya maamul wanaag” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa maalmaha dambe isla dhexmarayey in khilaaf weyn uu ka dhaxeeyo maamulka gobolka Hiiraan iyo kan magaalada B/weyne.

Goobjoog News