U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo Dhaliilay Hay’adaha Caafimaadka Ee Ku Sugan B/weyne

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dhaliilay waxqabadka hay’adaha qaabilsan arrimaha caafimaadka ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolkaasi Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in isbitaalka B/weyne aanay dawo yaallin, sidoo kalena shaqaalaha ku sugan Isbitaalkaasi aysan qaadan wax lacag ah.

Isbitaalka ayuu tilmaamay inuu yahay kan kaliya ee loola soo cararo bukaannada gobolka iyo qaar kale oo kamid ah gobollada ku dhow gobolkaasi.

“Isbitaalka aad aragtaan dawo fiican maleh, waana midka ugu weyn guud ahaan gobolka Hiiraan, xitaa gobollo kale ayaa looga yimaadaa, sidoo kale hay’daha caafimaadka waxbo ma taraan, sababtuna waxay tahay shaqaalihii ayaanba haysan mushaar haba yaraadee”

Isbitaalka magaalada Baladweyne waxaa ku jira bukaanno kala duwan, waxaana Isbitaalkaasi aanu lahayn hay’ad si rasmi ah gacanta ugu haysa.

Goobjoog News