U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo Dib u Heshiisiin Guud u Sameynaya Beelaha Deggan Gobolkaasi

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dib u heshiisiin guud u sameyn doonaan beelaha deggan deegaannada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay gobolkaasi.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulkaasi ayaa Goobjoog News u sheegay in hadda tani ay tahay qorshe ay wadaan maadaama gobolka uu kusoo batay is qabqasiga beelaha.

“Annaga waxaan ogaannay in wax walbo saldhig u tahay dib u heshiisiinta, waxaan kaloo rabnaa in aan sameenno dib u heshiisiin guud, kadibna aan bilowno howlaha kale ee nabadda” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Dhanka kale, Sheekh Xuseen ayaa sheegay in dhibka ugu weyn ee mar walbo soo celceliya dagaal beeleedyada ay tahay hubka oo weli ay haystaan beelaha deggan gobolkaasi oo aanay gobolka ka dhaqangelin hub ka dhigis rasmi ah.

B/weyne waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka jiray colaad ka dhaxeysay beello walaalo ah oo deggan magaaladaasi, inkastoo ugu dambeyn la xalliyey.

Goobjoog News