U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo Kaalin Ka Qaadanaya Daminta Xiisad Beeleed Kasoo Cusboonaatey Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in kaalin ay ka qaadanayaan xalinta xiisad beeleed kasoo cusboonaatey deegaanno ku dhow degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali, oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay dadaal ku bixinayaan sidii ay ku damin lahaayeen coladdaasi.

Waxa uu tilmaamay in ay kaashan doonaan odoyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan, lana dhameyn doono xiisaddan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga aad ayaan uga xunnahay xiisaddan kasoo cusboonaatay gobolka, maamulka waxa uu maalmahan ku howlanaa in la damiyo xiisadaha sidan oo kale ah, beelaha isku haya gobolka iyo deegaannada ku dhowba diyaar baan u nahay inaan daminno, gogol nabadeed dhigno, hadane waxaa ku baxay waxgarad, maamulkana qeyb ayuu ka yahay” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Hiiraan.

Saddex qof ayaa ku geeriyootey xiisad u dhaxeysa beello wada deggan deegaanka Teedaan oo ku dhow degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Goobjoog News