U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo Sheegay In Ay Wax Ka Qabanayaan Caqabado Ka Jira Garoonka B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan caqabado ka jira garoonka diyaaradaha ee magaalada B/weyne, kadib markii uu saameeyey roob ka da’ay magaaladaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan, Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in hadda garoonkaasi laga bixiyey biyahii dhex fadhiyey, islamarkaana duulimaadyadii hakadka ku jiray ay dib u billaabanayaan.

“Berri in diyaaradaha ay dib u shaqo billaabaan ayaan rajeyneynaaa, waxaa biyahii laga saaray dhabihii diyaaradda kusoo dageysay, walaalaheenna Hiil walaal ayaana kaalin mug leh ka qaattay in garoonka uu dib u shaqo galo” ayuu yiri Cismaan.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka maamulka Hiiraan ayaa tilmaamay in maalmaha soo aadan ay dib u habeyn weyn ku sameyn doonaan garoonka diyaaradaha B/weyne.

Saddex maalin ma aanay jirin wax duulimaad oo ka baxay garoonka B/weyne ama soo dega, sababo la xiriira garoonka oo biyo badan gudaha u galeen.

Goobjoog News