U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo Sheegay In La Xalliyey Xiisad Ka Jirta Suuqyada B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la xalliyey xiisad u dhaxeysay ganacsatada magaaladaasi iyo sidoo kale dadka shacabka ah, kadib markii ganacsatadu ay diideen qaadashada lacagta shilin Soomaaliga ah.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka Hiiraan Xuseen Cismaan Cali oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in suuqyada dib loo furay, ayna socdaan wadahadallo dheeraad ah oo u dhaxeeya ganacsatada iyo maamulka gobolka.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa xaqiijiyey in lasii daayey ganacsato diidday lacagta shilin Soomaaliga oo maalin kahor ay soo xireen ciidamada ammaanka.

“Waa la xalliyey xiisaddii ka jirtay B/weyne, ganacsatadii aan xirnay waan sii deynay waayo markii hore iyaga oo aan nala tashan ayeey go’aan gaareen, waxaan u soconnay waxay ahayd oo kaliya in muruq maalka aan la dhibin oo waxa ay haystaan ay ku iibsadaan wixii ay u baahan yihiin” ayuu yiri Xuseen Cismaan.

Lacag been abuur ah oo ay sheegeen ganacsatada B/weyne iney soo gashay suuqyada magaaladaasi ayaa sabab u noqotay in la diido gabi ahaan wax ku iibsashada lacagta shilin Soomaaliga ah.

Goobjoog News