U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo Sheegay Inuu Furayo Wadada Isku Xirta Jalalaqsi Iyo Buulo-burde

Sheeko:Amniga

Maamulka Gobalka hiiraan ayaa sheegay in ay isku furi doonan wadada isku xirta magaaloyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burde, xilli AMISOMay iyana ka dhawaajiyay howlgal waddo furis ah.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraaan, C/raxiin Muxummad Taakooy ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid dhowaan la fulin doono, islamarkaana dadka lagasaari doono go’doonka.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM u dhaqaaqeen sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al-shabaab, islamarkaana u furii lahaayeen waddooyinka xiran.

Dhanka kale, qoraal kasoo baxayAMISOM ayaa lagu sheegay in lagu furi doono waddooyinka ay xirteen Al-shabaab ee gobolka Hiiraan, shacabkana loo fududeyn doono isku socodkooda.

AMISOM ayaa sheegtay in howlgalladan ay yihiin kuwo sidoo kale lagu doonayo in lagu fududeeyo shacabka ku dhaqan deegaannada iyo degmooyinka go’doonsan in lagu gaarsiiyo gurmad Bini’aadannimo.

Maalmahan dambe, ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ballaaran waxay ka bilaabeen deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News