U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo Wax Ka Qabanaya Cabashada Naafada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay wax badan ka qaban doonaan cabashada ay qabaan dadka naafada ah ee ku nool magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali, guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee gobolkaasi ayaa sheegay in iyaga iyo ganacsatada deegaanka isku af garteen in la dhammeeyo tabashada dadka naafada ah.

Waxyaabaha wax laga qabanayo waxaa ka mid ah in dadka naafada ah ay xarumaha ganacsi ee waaweyn ka helaan xuquuq la mid ah midda ay helaan dadka aan naafada ahayn.

Dhismayaasha qaar ee shirkadaha iyo sidoo kale xarumaha ganacsiga ayaa ka mid ah waxyaabaha loo sameyn doono meello fudud oo ay kasoo geli karaan dadka naafada ah.

Ugu dambeyn, Sheekh Xuseen ayaa sheegay in maamulkooda diyaar la yahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Goobjoog News