U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan: Waxaan Bilownay Howlgallo Waddo Furis Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney si rasmi ah uga bilaabeen deegaannada gobolkaasi furista waddooyinka ay xireen Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda ee maamulka Hiiraan Axmed Cismaan Inji oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dhowan ay wada furi doonaan waddooyinka xiran, si degoomooyinka gobolkaasi ay isugu wada furnaadaan.

Howlgalkii ugu horreeyay ee wadda furista ayuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ka bilaabeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

“Howlgallada waa ay bilowdeen waxaana furaya ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si shacabka gaadiidka ay wataan ay isugu safraan dhammaan degmooyinka gobolka, Halgan ayuu hadda howlgalka ka socdaa, waxaana qorshaha yahay in illaa Muqdisho la isku furo” ayuu yiri Inji.

Degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa ah kuwo kala xiran, waxaana waddooyinka kala xiray ciidamada Al-shabaab oo diidey isku socodka dadweynaha.

Goobjoog News