U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabeelle Oo Eedeyn Loo Jeediyay Iyo Xiisad Ka Taagan Buulo-Burde

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno degmada Buulo burde ee gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay guddomiye maamulka Hirshabeelle ay u magacaabeen degmadaasi.

Nabaddoon Cabdiraxmaan Dhicisoow oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Goobjoog News waxa uu u sheegay in madaxda ugu sareysa Hirshabeelle ay balantii uga baxeen dadka ku dhaqan Buulo burde, maadaama halkaasi ay u soo magacaabeen guddoomiye.

Dadka deegaanka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa ku heshiiyay in gole deegaan loo dhiso degmada Buulo burde inta ka horeysana aan la soo magacaabin wax guddoomiye ah, nabadoon Dhicisoow ayaana tilmaamay in balantaasi ay si cad uga baxeen madaxda maamulkaasi.

Sidoo kale maanta waxaa la tilmaamay in degmada ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo guddomiyaha ay soo magacawday wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka u dhaxeeya bulshada degmada Buulo burde iyo maamulka uu hoggaamiyo Maxamed Cabdi Waare.

Goobjoog News