U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabeelle oo Soo Bandhigay Khasaaraha Qaraxii Jowhar Ka Dhacay

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowladda goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo m adaxweyne ku- xigeenka maamulka Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiiradda  Hirshabeelle, waxaana looga hadlay xaladaha maamulka iyo qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Jowhar.
Shirka golaha ayaa  warbixin looga dhageystay guddiga Gurmadka Qaraxii 17-ka July ee ka dhacay Magaalada Jowhar, iyagoo soo bandhigay macluumaad ay ka uruuriyeen baaxada iyo saameynta qasaaraha uu geeystay qaraxaas, gudiga  ayaa  Madaxweynaha iyo xubnaha golaha la wadaagay in guryo iyo hanti badan lagu waayay qaraxa.
Madaxweynaha ayaa warbixinta xaaladaha guud ee abaaraha ka dhageystay Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay dukumenteri muuqaal ah oo ay kasoo diyaarisay baaxada abaaraha ka jira deegaanada Hirshabeelle iyo sida ay u saameysay dadka iyo xoolaha.
Madaxweynaha iyo Golihisa ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta ka dhageystay barnaamijka istaraatiijiyada kordhinta dakhliga Dowladda goboleedka Hirshabeelle, maamulka ayaa xilligaan waxaa ka jira abaaro baahsan oo hoos u dhigay waxsoo saarka dhanka beeraha iyo xoolaha.
Goobjoog News