U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabelle Oo Dib u Heshiisiin u Sameynaya Beello Ku Dagaallamay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in dib u heshiisiin ka dhex bilaabayaa beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay deegaanno hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay in maamulkooda diyaar u yahay inuu dhameeyo wax walbo oo ku aadan dagaal beeleedyadan.

Dowladda Federaalka ayuu ka codsaday mudane Guudlaawe iney ka qeybqaataan dib u dejinta dadkii kasoo barakacay deegaannadii lagu dagaallamay.

“Annaga aad ayaan uga xunnahay wixii dhacay, waxaan diyaar u nahay inaan bilowno wadahadalka Labadan beel, dowladda Federaalkana waxaan ka dalabneynaa iney ka qeybqaataan dib u dejinta shacabkii soo barakacay iyo dhismaha guryahii la gubay” ayuu yiri Guudlaawe.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, welina xal kama dambeys ah lama gaarin.

Goobjoog News