U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabelle Oo Digniin u Direy Xafiiska QM Ee B/weyne

Sheeko:Dalka

Wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baladweyne ayaa dhaliil ka muujiyey xiriirka wada shaqeyn ee u dhaxeeya maamulka Hirshabelle iyo xafiisyada Qaramada Midoobay ku leedahay gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle, Mahad Xasan Cismaan wasiirka warfaafinta maamulka Hirshabelle iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo kulanka kadib warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in aanu jirin wax wada shaqeyn ah oo u dhaxeeya Hirshabelle iyo xafiisyada UN-ka ee gobolkaasi.

Wasiir Caadle ayaa tilmaamay in  xafiisyada Qaramada Midoobey ee gobolka Hiiraan ay ka dalbadeen kulan balse ay ka biyo diideen, waxaana uu ku hanjabay in wada shaqeynta kala laaban doonaan haddii aan saacadaha soo aadan jawaab rasmi ah ka helin.

“La kulankii aan la sameynay dadka ku nool B/weyne iyo maamulka Hiiraaan waxaa inoo soo baxday in wada shaqeynta ka dhaxeysa bulshada Hiiraan iyo xiriirka ka dhaxeeya UN-ka iyo maamulka Hiiraan inaanu wanaagsaneen oo maaalmihii damabe xagga UN-ka cago jiid ka jiray, annaga oo ah golihii wasiirada waxaan kulan ka dalbannay xafiiska Qaramada Midoobay ee Hiiraan, waxaa meeshaasi nooga soo baxay inuu meesha cago jiid ka jiro, sidaasi darteed waxaa inoo soo baxday in xafiiska Un-ka ee magaalada Baladweyne aanu wax wada shaqeyn ah la lahayn guud ahaan dowlad goboleedka Hirshabelle” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka warfaafinta maamulka Hirshabelle Mahad Xasan Cismaan, oo halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in haddii aaney jawaab degdeg ah ka imaan dhanka xafiiska UN ee magaalada B/weyne in wada shaqeynta ay xumaan doonto, madaxweynaha maamulkaasina uu war degdeg ah soo saari doono.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in muddo badan ay ku daaleen in xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Baladweyne ay ka helaan wada shaqeyn buuxda.

“In badan baan ka dalbannay Un-ka in xafiisyada halkaan ku yaalla ay noqdaan kuwo shaqeeya, iney noqdaan xafiisyo dhameytiran, haddii ay yihiin WFP ama kuwa siyaasadda, waxaan in badan ka dalbannay in xafiisyo dhameystiran halkaan laga furo ma dhici oo dhegaha ayaa faraha la gishtay, waxaan in badan ka dalbannay in wada shaqeynta la hagaajiyo, wixii aan ka cabaneynay maanta marqaati bay yeesheey” ayuu yiri guddoomiyaha.

Marar badan maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku eedeynayay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala gobolkaasi in aysan bulshada ugu shaqeyn sidii loo baahnaa.

Goobjoog News