U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabelle Oo Hirgelinaya Meello Lagu Keydiyo Biyaha

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay iney hirgelin doonaan meello lagu keydiyo biyaha si loo yareeyo khatarta ka dhalata biyo la’aanta.

Madaxweynaha maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe ballaaran oo lagu hirgelinayo nidaamyo casri ah oo lagu keydiyo biyaha, sidoo kalena waxa uu sheegay madaxweynaha iney hirgelinayaan shuruuc suurtagal ka dhigi doonta in laga faa’ideyso wax walbo oo laga dhallin kara tamarta.

“Si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha biyo yaraanta, waxaa lala dagaallami doonaa luminta kheyraadka biyaha, waxaa la hirgelin doonaa nidaamyo casri ah oo lagu keediyo biyaha, sidoo kale waxaa la hirgelin doonaa nidaamyo iyo shuruuc suurtagelinaya ka faa’ideysiga tamarta laga helo dabaysha, qoraxda iyo nooc kasta oo loo dhalin karo tamarta” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle.

In la helo xarumo lagu keydiyo biyaha xilliga wabiga Shabelle uu biyo keeno, lagana faa’ideysto biyahaasi xilliyada abaarta ama Wabiga uu biyo yareeyo ayaa ah mid muhiim ah oo dadka ku dhaqan Hirshabelle ay aad ugu baahan yihiin.

Madaxweyne Cosoble ayaa ballanqaadkiisan kusoo beegmaya xilli gobollada dalka ay ka jiraan abaar baahsan, sidoo kalena aanu jirin biyo ay dadku cabaan.

Wixii ka dambeeyey burburka dowladdii dhexe ee dalka, ma jirin meelo lagu keydiyo biyaha wabiga, iyadoo xilliyada uu wabiga biyo keeni ay dadka dhibaato ku qabeen fataahadda Wabiga, xilliga uu gurana ay harraad dadka iyo duunyada soo wajahaye.

Goobjoog News