U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabelle Oo Joojiyey Shaqadii Isbitaalka Degmada Jowhar

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay sheegayaan in maamulka Hirshabelle uu joojiyey dhammaan shaqadii ka socotey isbitaalka degmadaasi.

Wariyaheena Jowhar ayaa soo sheegaya in sidoo kale ciidamada ammaanka ee maamulka Hirshabelle ay xabsiga dhigeen Xasan Mahad Cabdi oo ah agaasimaha Isbitaalka Jowhar.

Sababaha ugu weyn ee loo xirey Agaasimahan ayaa lagu sheegay iney qeyb ka tahay sababo ku aadan in Isbitaalka Jowhar laga diiwaangeliyo wasaaradda arrimaha gudaha ee Hirshabelle, balse aaney taasi dhicin.

Ehlada Agaasimaha Isbitaalka Jowhar ayaa la sheegayaa iney wadaan dedaal ay mas’uulkaasi kusoo deynayaan.

Howlihii Isbitaalka Jowhar ayaa socon, waxaana halkaasi jiifa bukaanno laga kala keenay deegaanno badan oo gobolka Shabellaha Dhexe ah.

Weli  maamulka Hirshabelle, kan shabellaha dhexe iyo sidoo kale kan Jowhar kama aanay hadal xariga agaasimaha Isbitaalka Jowhar iyo hakinta shaqadii Isbitaalkaasi.

Goobjoog News