U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabelle Oo Ka Gaabiyey Dhexdhexaadinta Beello Ku Dagaallamay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabelle ayaa ka gaabiyey dhex dhexaadinta beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay deegaanno hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Beelahan ayaa ku dagaallamay Tuulada Jameeca Misre oo hoostagta degmada Balcad ee Shabellah Dhexe, waxaana halkaasi ku dhintey in ka badan 5 ruux iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Waxaa gaabis ku yimid dedaalkii ay wadeen maamulka degmada Balcad iyo qaar kamid ah waxgaradka beelihii ku dagaallamay halkaasi.

Maamulka Hirshabelle ayaan weli tallaab u qaadin dhanka beelahan dagaallamay, iyadoo xilli walbo dagaallo la filan karo.

Deegaannadii lagu dagaallamay waxaa guud ahaan ka barakacay dadkii deganaa, waxayna dadka xaalad adag ku haysaa deegaannadii ay u barakaceen.

Goobjoog News