U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabeelle Oo Wada Dedaal Dib Loogu Furayo Dekadda Ceelmacaan, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay iney wadaan dedaallo ku aaddan sidii ay dib ugu howlgelin lahaayeen dekadda Ceel-macaan ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Xildhibaan C/rashiid C/xakiin Warsame oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay ku howlan yihiin ka maamul ahaan sidii dekaddaasi u shaqeyn lahayd, si shacabka Hirshabeelle uga faa’ideystaan.

Dhanka kale, xildhibaanka ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad ugu qaldaneyd kordhinta canshuurta dekadda Muqdisho, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga waan qorsheyneynaa in dib u shaqo gelinno dekadda Ceel-macaan oo muddo badan dadka Soomaaliyeed kusoo meelmareen, dhanka kale waxaan ka xumahay in ganacsatada gobolka Banaadir lagu kordhiyo Canshuur, xilli aanay dalka jirin canshuur mideysan” ayuu yiri xildhibaanka.

Deegaanka Ceelmacaan ayaa qiyaas ahaan 30 KM dhanka bari ka xiga magaalada Muqdisho, waxaana horey halkaasi ugu taallay dekad macmal ah oo sanado badan dalka wax looga soo dejin jiray.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada