U bood dhigaalka

Maamulka Isbitaal-ka Banaadir Oo Sheegay In Carruurta Iyo Haweenka Ay Khatar Ku Jiraan

Sheeko:Caafimaadka

Hay’adda qaramada midoobay ee UNICEF  ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso carruurta Soomaaliyeed, warbixintan ayaa lagu sheegay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: Hal ka mid ah 7 carruur kasta ayaa dhinta inta uusan gaarin dhalashadiisa 5-aad iyo in Lix ka mid ah 10 carruur kasta ma dhigtaan dugsi.

Hadaba Goobjoog News ayaa warbixintan kala sheekeysatay maamulka Isbitaalka Banaadir oo ah Isbitaal dowli ah, waana Isbitaalka kaliya ee shaqadiisu tahay daryeelka hooyada iyo dhalaanka Soomaaliya.

Dr. Cabdirisaq Xasan Cali oo ka tirsan maamulka Isbitaal Banaadir ayaa ka deyriyay xaaladda caruurta Soomaaliyeed isagoo sheegay in hay’adaha ay kala noqdeen gargaarkii ay bixin jireen.

Dhakhtarka waxaa uu sheegayaa in UNICEF aanay waxba u qaban Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir.

UNFPA ayuu sheegay in ay ka caawiyaan haweenka kuwaas oo xitaa sheegay in ay ku jiraan xaalad dhaqaale oo aad u adag.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in 7 bil aaney helin wax lacag ah oo si tabarucaad ah wax uga qaban jireen isagoo ku celiyay in aaney sii wadi Karin in ay caawiyaan hooyada iyo dhallaanka oo bishan dhammaadkeeda ay adeegga joojin doonaan.

Dhinaca kale xafiiska UNICEF Soomaaliya, oo kaashanaysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, deeq-bixiyeyaasha iyo hay’ado kale oo ay bah wadaag yihiin, waxay billaabeysaa falanqaynta ugu dambeysay ee xaaladda carruurta ee Soomaaliya.

Warbixintu waxay ka kooban tahay xog dhammaystiran, falanqayn iyo talooyin muhiim u ah taageerada hawsha UNICEF ee fulinta xuquuqda dhammaan carruurta Soomaaliyeed. Warbixinta ayaa muujisay in xaaladda carruurta ay soo hagaageyso, iyadoo carruur badan ay badbaadeen, la tallaalayo isla markaana ay aadayaan iskuulka; iyo tiro sii kordhaysa oo ka mid ah qoysaska ay helaan daryeel caafimaad iyo biyo nadiif ah.

Si kastaba ha ahaatee, wax badan ayaa weli loo baahan yahay in la sameeyo.

Arintan ayaa timid kadib markii warbixin ay soo saartay, warbixintan waxaa ku xusnaa sidan:

  1. Hal ka mid ah 7 carruur kasta ayaa dhinta inta uusan gaarin dhalashadiisa 5-aad
  2. Lix ka mid ah 10 carruur kasta ma dhigtaan dugsi
  3. Ku dhawaad gabdhaha oo dhan – 98% – waxaa la marsiiyaa Gudniinka Fircooniga, oo ah
  4. kan ugu sarreeya dunida.
  5. Hal qof oo dumar ah ayaa geeriyoota 3 saac oo kasta sababo fool raac ah awgeed.
  6. In ka yar kala bar, ama 45%, ee dadka waxay leeyihiin ilo biyo oo hagaagsan, iyo keliya rubuc waxay leeyihiin nadaafad ku filan.
  7. Waxaa kaloo jira fursado, sida warbixinta ku qeexan, gaar ahaan magaalaynta iyo tirada badan ee dhallinyarada – saddex meelood Soomaalida da’dooda waxay ka yar tahay 30 sano jir.

Goobjoog News