U bood dhigaalka

Maamulka Isbitaalka Gaalkacyo: Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Gaakacyo Qaarkood Waa Halis

Sheeko:Caafimaadka

Iyadoo labo maalin ka hor magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen qeybteeda waqooyi qaraxyo sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa waxaa isbitaalka magaalada Gaalkacyo lagu dabiibayaa dadkii weerarradaasi ay dhaawacyadu ka soo gaareen.

Agaasinka Isbitaalka Gaalkacyo ayaa u sheegay Goobjoog News in ka Isbitaal ahaan la soo gaarsiiyay 52 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba kuwaas oo ku soo waxyeeloobay weerarradii ka dhacay 21-kii bishaan magaaladaasi.

Waxa uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo Cabdirisaaq Maxamed Khaliif ayaa sheegay in weli ay la tacaalayaan bukaannada la soo gaarsiiyay.

“Waxaa heynaa 52 qof oo dhaawacyo ah kuwaas oo qaba dhaawacyo fudud, kuwa dhexdhexaad iyo kuwa culus, haddana waxaan ku guda jirnaa la tacaaliddooda iyo sidii aan ugu dadaali lahayn inay helaan adeegyada caafimaad oo ay u baahan yihiin” ayuu yiri maamulaha Isbitaalka Gaalkacyo Cabdirisaaq Maxamed.

Wuxuu sheegay in Isbitaalku uusan helin taageero dibadda ah oo uga timi Maamulka ama cid kale islamarkaana iyaga un ay isku xilqaameen sidii ay dadkaasi ku heli lahaayeen adeegyada ay u baahnaayeen dadkii dhaawacyada ay gaareen.

“Waxaa jira dad dhaawacyadooda ay culus yihiin sida nin weli ay ku jiraan firirkii weerarrada oo feeraha ay kaga badan yihiin” ayuu yiri agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo.

Dhaawacyadaan ku jira isbitaalka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku jira carruur, haween iyo dad da’ ah kuwaas oo ka ag dhowaa xarunta maamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland oo weerarrada qaraxyada ah lagu qaaday.

Goobjoog News