U bood dhigaalka

Maamulka Isbitaalka Istarliin oo ka deyriyay xaalada isbitaalka iyo bukaanada ku jira

Sheeko:Dalka

Maamulka Isbitaalka Istarliin ee degmada Guri-ceel oo sheegay in tan iyo markii ay isbitaalka ka baxday hay’adii MSF uusan isbitaalku ku filneyn adeegyada caafimaad ee dad weynaha xilli ay cuduro ka dilaaceen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Agaasimaha guud ee isbitaalka degmada Guri-ceel Cali Cumar Tarabbi oo u waramay Goobjoog FM isaga oo jooga degmada Guri-ceel ayaa waxa uu sheegay in isbitaalku uusan ku filneyn adeegyada caafimaad ee dadku u baahan yihiin isagoo tilmaamay in isbitaalku uu qabanayay dad tiro yar tan iyo markii ay ka baxday dalka hey’adii MSF oo gacanta ku heysay isbitaalkaasi.

Cali Cumar Tarabi ayaa sheegay in xilligii ay joogtay hay’adaasi ay guddiyo caafimaad u diri jireen tuulooyinka ay cudurada ka jiraan iyaga oo caawinaad ka helaya MSF hase ahaatee xilligan aysan jirin awood uu isbitaalku u leeyahay caawinta dadka ay qeylo dhaanta ka soo yeereyso ee ku nool tuulooyinka hoos yimaada degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud oo iminka ay cuduro ka dilaaceen.

Hay’adda MSF ayaa ka baxday gebi ahaan Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay  kadib markii af duub loo geystay qeyb ka tirsan shaqaalaheeda.