U bood dhigaalka

Maamulka Isbitaalka Jalalaqsi Oo Ka Warbixiyey Xaaladda Dadkii Shuban Biyoodku Soo Ritay

Sheeko:Dalka

Agaasimaha guud Isbitaalka degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan Maxamed Xasan Nuur ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee dadkii uu soo ritay xanuunka Shuban biyoodka oo ka dilaacay degmada iyo nawaaxigeeda.

Agaasimaha oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inuu xanuunku dilaaco ay sababtay cimilada hawada oo kulul iyo dadka oo cabay biyaha wabiga oo inta badan bulshada gobalka ay isticmaalaan waxaana  uu yiri.

“Sanad waliba bilahaan oo kale wabiga markii uu biyo yareeyo ama hawadu ay kululaato, waxaa ka faaiideysta cudurada faafa nuucii uu rabo ha aheado sida Jadeecada Shuban Biyoodka iyo Xiiqdheerta labadii bisha ilaa maanta waxa xauunka u geeriyooday 12 ruux halka kuwo kale ay u jiifaan”.

Sidoo kale agaasimaha oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in xanuuka uu deegaannada kala duwan ee gobalka uu ka jiro taasna ay sababtay inuu marba magaalo uu ka dilaaco.

“Sida aad ka warqabtaan magaalada Baladweyne ayuu ka soo bilowday, Baladweyne, Jalalaqsi iyo Buuloburde xiriir ayaa ka dhaxeeyo, kaas oo ah biyaha ay cabaan, dadka reer Hiiraan inta badan waxaa ay ku teedsan yihiin wabiga labadiisa dhinac”. Ayuu yiri agaasimaha.

Dhanka kale agaasime Maxamed Xasan ayaa sheegay in dawada hadda taallo Isbitaalka guud ee degmada Jalalaqsi ay gababsi tahay xaaladda  ka jirta iyo daawada taalla aysan isku filneyn.

“Daawooyinka gabaabsi ayeey nagu yihiin oo daawooyinkii hore oo wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle hadda ka hor naga soo gaaray iyo hey’adda save the children ayaa noo yaalay waxaana ku jira kuwo date uu ku dhow yahay oo bisha 9-aad ka dib aan la isticmaali Karin”

Ugu dambeyn agaasimaha Isbitaalka degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan Maxamed Xasan Nuur ayaa hadalkisa ku daray in hadda aysan jirin daawo ku filan oo soo gartay Isbitaalka lakiin ay jirto rajo ay ka qabaan in ay soo gaarto.

“Hey’adaha dibada iyo kuwo gudaha marka laga reebo afar kartoon oo daawo ah oo ay inoo keentay hey’adda Sucaado iyo afar kale oo Hirshabeelle ka timid waxaan  heyno oo aan aheyn  majiraan” ayuu yiri agaasimaha guud ee Isbitaalka.

Goobjoog News