U bood dhigaalka

Maamulka Isbitaalka Madiina Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Zoobe

Sheeko:Dalka

Maamulka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyey dhaawacyadii shalay la gaarsiiyay Isbitaalkaasi, kuwa xaaladooda adag tahay iyo guud ahaan tirada dadka dhaawaca ah ee hadda jiifa Isbitaalka.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shalay isbitaalka la geeyay 71 qof oo dhaawac ah iyo meydad aad u badan.

46 bukaan ayuu sheegay in isbitaalka la siixiyey kadib qaliin lagu sameeyay, qaarkood dadkaasina wuxuu tilmaamay in gamacaha iyo lugaha iska haystaan maqaarka oo kaliya ayna jariin tahay, halka 25 bukaan dib loogu celiyey guryahooda kadib markii daweyn loo sameeyay.

“Dhaawaca naloo keenay wuxuu ahaa 71 qof oo ay ku jireen qaar maqaarka kaliya iska haysto gacmahooda iyo lugahooda oo goysmo ah, oo Bambadii ay soo goosay lugahood iyo adimadooda, qaar kale oo xabadka iyo caloosha ay dhaawac kagaareen, muskilo xoogeedu intaan la egyahay muddooyinkaan inama soo marin, jiif waxaa noqday oo qaliin lagu sameeyay 46 bukaan, inta kalena 25 bukaan markii la dhayey nasiib waxay noqotey ineysan u baahneen jiif oo guryahooda loo celiyey, shalay dhibaatooyin badan baa dhacay, dadbadan oo Meyd ah baa la  keenay oo cid garan kartaa aanay jirin oo dhuxul noqday oo farabadan” ayuu yiri agaasimaha.

Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoog News