U bood dhigaalka

Maamulka Isbitaalka Madiina Oo Ka Warbixiyey Dadkii Ku Dhintey Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey dadkii ku dhintey qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan meydadka la geeyay Isbitaalkaasi.

C/qaadir Xuseen Maxamed, madaxa caafimaadka isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dhaawac ahaan loogu keenay 12 qof, 10 kamid ahna isbitaalka la seexiyey, dadka dhimashada ah ayuu sheegay inay gaarayaan 29 qof oo 27 iyaga oo meyd ah la geeyay isbitaalka, halka Labada kalena ay dhinteen xilli howlo caafimaad ah loo waday.

“Dadka dhaawaca ah ee shaqaaqooyinka iyo dhibaatadii xalay Isbitaalka la soo seexiyey waa 12 qof, 10 kamid ah waa ay jiifaan, 4 kamid ahna qalliin culus ayaa loo sameeyay, dhimashada wadarta waa 29 qof, 27 iyaga oo dhintay ayaa naloo keenay, Labada kalena annaga oo howlo caafimaad u wadno ayay dhinteen” ayuu yiri C/qaadir.

araxa ay dadka badan ku dhinteen ayaa ah midka ka dhacay Hotel ku yaalla nawaaxiga KM-0 ee magaalada Muqdisho.

Waxaa jira guryo halkaasi ku yaallay oo burburay, waxaana ay kusoo dumeen dadkii deganaa.

Goobjoog News