U bood dhigaalka

Maamulka Isbitaalka Madiina Oo Ka Warbixiyey Xaaladda Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Xalay Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee dadkii xalay ku dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Madaxa caafimaadka ee Isbitaalka Madiina Dr. C/qaadir Macallin Xuseen ayaa u sheegay Goobjoog News, in isbitaalkan xalay la geeyey 13 qof.

Saddex ruux ayuu sheegay in isbitaalka la geeyey iyaga oo meyd ah, halka dadka dhaawaca ahaana ay daweyn u sameynayaan.

Dadka qaar ayuu sheegay Dr. C/qaadir iney dhaawac culus uu soo gaaray, balse ay ku dedaalayaan sidii wax loogu qaban lahaa.

“Tirada guud ee nasoo gaartay waa 13 qof, Saddex ka mid ah waxaa naloogu keenay dhimasho, iyaga oo meyd ah ayaa naloo keenay, 7 qof waan seexinay, qof kalena waxaan u sameynnay daweyn oo xaafadiisa ayuu aaday, bukaannada waxay isugu jiraan dhaawacyo culus iyo kuwo fudu, qaar caloosha ayaa bannaanka taallay, qaar wey jaban yihiin, qaar dab ayaa ka muuqda” ayuu yiri Madaxa caafimaadka ee isbitaalka Madiina.

Dhanka kale, isbitaalka Daaru-shifa ayaa waxaa xalay la geeyey dhaawaca 6 qof, waxaana daweyn loo sameeyey 4 qof oo dib ugu laabtay guryahooda halka Labo kalena ay isbitaalka jiifaan.

Qaraxan xalay ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama, gaar ahaan meel ku dhow Isgoyska Shaqaalaha ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeed.

Goobjoog News