U bood dhigaalka

Maamulka Isbitaalka Qoryooley Oo Ka Qeylo Dhaamiyay Dawo La’aan Ka Jirta Isbitaalkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka isbitaalka degmada Qoryooley ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa qeylo dhaan ka diray dawo la’aan ka jirta isbitaalkaasi, xilli ay isbitaalka maalin walba gaaraan dad u baahan gurmad caafimaad.

Agaasimaha Isbitaalkaasi Cumar Xasan Cumar oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in deegaanno badan oo hoostaga degmada Qoryoole ay ka jirto xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah, islamarkaana ay ugu daran tahay Nafaqo darro deegaanadaasi ka taagan.

Canug yar ayuu sheegay in Nafaqo darro ugu geeriyooday Tuulooyinka ku dhaw degmadaasi, xilli loola soo cararay Isbitaalka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in hadii la keeni lahaa xitaa ay aad ugu adag tahay u helista dadkaasi ee dhanka dawada ah.

“Illaa iyo hadda awood uma hayno inaan dad badan daaweyno, ama aan deegaanadooda ugu tagno, dadka gurmadka inooga baahan kaliya ma ahan kuwa Qoryooley, ee dhammaan deegaanada noo dhaw ayeey dhibaatadaasi ka jirtaa, waxaan u qeylo dhaaminnay maamulada jira iyo sidoo kale hay’adaha sama falka ah, illaa iyo haatanna ma hayno cid inoo soo jawaabta” ayuu yiri agaasimaha.

Ugu dambeyn Agaasimaha isbitaalka degmada Qoryooley Cumar Xasan Cumar ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah in dawo ay lasoo gaaraan Isbitaalka degmadaasi.

Goobjoog News