U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Agab Isboorti Gaarsiiyay Xarunta Barbaarinta Caruurta Booliska Soomaaliyeed

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa agab isboorti iyo daawo gaar siiyay Xarunta Barbaarinta Caruurta Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha xarunta Barbaarinta Caruurta Cali Xirsi Bare Cali gaab ayaa maamulka Gobolka Banaadir uga mahad celiyay sida ay u garab taaganyihiin caruurtaan agoonta ah waxa uuna ka codsaday in ay mar walbo garab tagnaadaan si loo horomariyo mustaqbalka caruurtan.

“Hadii aanu nahay maamulka isboortiga Gobolka Banaadir waxa aan diyaar u nahay in horomarino xirfadlayaasha halka ku sugan sababtoo ah waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan ciyaartooy badan oo matali kara xulka qaranka dalka”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Dowladda waxa ay waqti ku bixisay gacan ku haynta iyo bar baarinta xarunta barbaarinta Caruurta ee booliska waxaana markii aad booqato aad kuu soo jiidanaya qaabka wanaagsan ee loo dayac tiray.

Cali Xirsi Bare (Cali Gaab) oo ah taliyaha xarunta barbaarinta caruurta booliska mar uu la hadlay Goobjoog bishii Janaayo 2019 waxa uu qeexay in ay tartamo kala duwan ay u qabtaan caruurta waxaana xarunta loogu diyaariyay garoomada kubbadda cagta iyo kubbadda kolayga.

Caruurta ku sugan Xarunta waxaa lagu barbaariyaa casharrada la xiriira wadaniyadda badanaa waxaa ay qaataan Casharro kala duwan oo ay ugu weyntahay in ay noqdaan jiil ku soo hano qaado gacan dowladeed si qarannimada dalka ay ugu noqdaan difaac.

Basmo Caamir Shakeeti oo ah guddoomiye ku xigeynka arimaha bulshada iyo wacyi galinta maamulka Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadashay waxa ay sheegtay iyada oo wakiil ka ah maamulka Gobolka ay diyaar u yihiin garab istaagida iyo ka war qabida xaalada caruurta agoonta ciidanka boolsika.

Si kastaba Xarunta Agoonta ciidamada Booliska ayaa la dhisay 05-May 2018 iyada iminka lagu xanaaneeyo caruurtii ay ka geeriyoodeen Ciidanka Booliska.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle