U bood dhigaalka

Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Ciyaartooyda Loo Soo Xulay

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay ciyaartooyda loo soo xulay in ay matalaan Gobolka Banaadir tartanka kubbadda cagta maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2018 oo aan wali la shaacin waqtiga iyo goobta lagu qabanayo

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ciyaartoyda iyo macallimiinta hogaamin doonta kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ayaa sheegay in maamulka Gobolka diyaar ula yahay xaquuqda iyo wax kasta ay u baahanyihiin xirfadlayaasha sanadka nasiibka u yeeshay in matalaan calanka iyo shacabka maamulka Gobolka Banaadir

“Waxaa idin saran waajib adag sababtoo ah sanadkan ma qaadan karno in aan ku harno heerka Groupy-ada waayo labadii sano ee nasoo dhaaftay ayaa sidaas samaynay,balse sanadkan waxaan rajaynaa in aan ka farxino shacabka gobolka Banaadir”sidaas waxaa Goobjoog News u sheegay gudoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish

Macalimiinta sanadkan horkacaysa Gobolka Banaadir waxa ay kala yihiin Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon), Cabdullahi Aweys Laash iyo Maxamed Abuukar Nuur

Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) waa tababaraha kooxda Horseed,horayna waxa uu usoo maamulay kooxaha Elman iyo Dekedda,isagoo sanadkan iyo kii hore fiinalaha koobka jeneraal daa’uud soo gaaray,isagoo kala tababarayay naadiyada Elman iyo Horseed

Cabdullahi Aweys Laash waxa uu ka mid yahay tababarayaasha ugu wanaagsan ee lagu arkay tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir afartii sano lasoo dhaafay horomar wacan ka sameeyay,sanadii 2014 ayuu koobka degmooyin u qaaday degmada Boondheere oo kolkaa fiinalah la dheeshay degmada Waaberi oo iminka ah horyaalka degmooyinka G.Banaadir

Tababare Cabdullahi Laash waa qurbajoog waxa uu ka yimid dalka Mareykanka,isagoo sanad kasta inta u dhaxaysa bisha May ilaa December dalka u yimaado in uu caawiyo isboortiga gudaha sanadkan 2018 kooxda degmada Shibis ayuu soo gaarsiiyay heerka fiinalka ciyaaraha degmooyinka afartano sano ka dib,iyadoo bulshada reer Shibis ayay ugu Mahad celiyo darajada uu kooxdooda  keenay

Maxamed Abuukar Nuur waa layliyaha degmada Waaberi u sahlay labadii sano lasoo dhaafay in ay hantaan koobka degmooyinka,iyagoo ka guulaystay kooxaha Hodan iyo Shibis dadka  qaar ayaa qaba saddex Macalin uu is raacay in wax badan ka badali doonaa Gobolka Banaadir

 

“Waxa ay inoo tahay sharaf sida wanaagsan ay maamulka Gobolka Banaadir noogu dhiibney kooxda ayaa anaga si wadajir u rajaynaynaa in aan soo bandhigo wax wanaagsan oo ka farxiya maamulka,iyo taageerayaasha tirada badan ee Gobolka” waxaa sidaas inoogu waramay tababarayaasha laylinaya kooxda Gobolka Banaadir ee isku diyaarinaysa ciyaaraha Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2018

Tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo labadii sano lasoo dhaafay caasimada Muqdisho lagu qabtay ayay kooxda Gobolka dhaafi waasay heerka rubac dhamaadka ama (Semi-Finaalka),balse ifaalada iyo rajada ah ayaa ah in olalahan ay tiigsadaan meel wacan

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle